Musalia Mudavadi oo sheegay in ay fulin doonaan ballan qaadyadii siyaasadeed

0
159

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda , Musalia Mudavadi ayaa sheegay in dowladda dhexe ay diyaar u tahay in ay fuliso ballan qaad kasta oo ay kenyaanka u sameysay xilligii ololaha doorasho ee sanadkii hore.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay qaadayaan tallaabooyin la doonayo in lagu yareeyo qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Mudavadi ayaa dhanka kale sheegay in musuqmaasuqa iyo ku tagriifalka lacagaha dadweynaha aan marnaba loo dul qaadan doonin.
Waxaa uu kenyaanka ku boorriyay inay si buuxda ugu hoggaansamaan xeerarka degsan oo aynan marnaba oggolaan bixinta lacagaha laaluushka ah.
Madaxa wasiirrada dalka ayaa xusay in kastoo sanadkan la soo maray xaalado adag oo dhaqaale, inuu sanadka soo socdo rajeynaya isbeddello dhanka horumarka wadanka ah.