Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud ayaa xalay markiisii saddexaad hortagay qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed eek u nool magaalada caasimada ah ee muqdisho wuxuuna jawaabay su’aalo toos ah oo ay ka weydiiyeen hoggaamintiisa wadanka.
Kulankaan madaxweynaha Su’aalaha logu waydiinayay ayaay madaxtooyada Soomaaliya waxay ku sheegtay inuu qayb ka ahaa qorsheyaasha logu hormarinayo xogaha muwaadiniintu kaga bahaan yihiin dowlad dhiska wadanka iyo la xisaabtanka madaxdooda.
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud ayaa shacabka kaga jawaabay Su’aalo bdan oo ku saabsan amaanka,xoraynta dalka,guulaha taariikhiga ah ee laga gaaray qorshaha dayn cafinta,qaadista cunaqabatayntii hubka ee Soomaaliya saarnayd sanado badan,ku biiritaanka Soomaaliya ee bulshada bariga Africa iyo geedi socodka dowlad dhiska Soomaaliya.
Mar la waydiiyay madaxweynaha in amaankiisa ay sugayaan ciidanka qaranka Soomaaliyeed lagana maarmay ciidamadii heshiiye ayuu sheegay inay tahay taariikh isaga u gaar ah sidoo kale dagaalka shabaabka ka dhanka ah ee xaraynta deegaanada wadanka ayuu tilmaamay inuu yahay mid wali daradr xooggan ku socda isna oo dhawaan dib ugu laaban doono furumaha dagaalka.
Madaxweynaha ayaa soo bandhigay miradhalka wajiga koobad ee howlgalka xoraynta dalka wuxuuna tilmaamay in dhawaan wajiga labaad uu bilaaban doono.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay dood-furan oo si toos ah ay shacabka Soomaaliyeed ugu weydiinayeen su’aalahooda la xiriira xaaladaha guud ee wadanka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay Amniga iyo Bixitaanka ciidamada ATMIS wuxuuna xusay doorka ay ka qaateen nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya, isagoo muujiyey sida uu uga faraxsan yahay in Ciidamada Soomaaliyeed ay soo gaareen marxalad ay ku hantaan sugidda amniga Madaxda, Hay’adaha dowladda iyo hoggaanka dalka.
Deyn cafinta iyo kobaca dhaqaalaha;Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay natiijada laga filanayo deynta laga cafiyey Soomaaliya wuxuna xusay in sannadkan 2023 uu kobcay dhaqaalaha 14%,dowladduna ay higsanaysaa in sannadka cusub la gaarsiiyo kobac dhan 22%, taas oo ay barbar socota yareynta fakhriga iyo saboolnimada oo la yareeyey lana gaarsiiyey 54%,halka uu horey u ahaa 69%.
Dhameystirka Dastuurka ayuu madaxweynuhu faahfaahin ka bixiyay isagoo ka jawaabay weydiimaha dastuurka wuxuuna tilmaamay in Qabyo tirka Dastuurku dib u dhacyo badan uu lasoo kulmay, Baarlamaano kala duwan ay isku sii gudbiyeen kuwaasoo waqtigu ka dhammaaday iyagoon si dhamaystiran kaga shaqeynaya.
Xassan Sh maxamuud ayaa sheegay in dowlada uu hogaaminayo ay ka go’an tahay inuusan muddo xileedkan la dhaafin dhamaystiraka dastuurka, maadaama dhammeystirkiisu uu asal u yahay rabitaanka ummadda Soomaaliyeed.
Qaabka aan anigu jeclahay waxaa ka muhiimsan rabitaanka inta badan bulshada Soomaaliyeed.”
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka jawaabay su’aalo laga soo weydiiyey daafaha dunida oo ku saabsan sarreynta sharciga, wadashaqeynta hay’adaha dowladda heer Federaal iyo heer maamul goboleed, dib u heshiisiinta iyo xiriirka caalamiga ah.