Madaxweyne ku xigeenka dalka oo dhalinyarada ugu baaqay inay iska ilaaliyaan kooxda Mungiki

0
173

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua ayaa ka codsaday dhalinyarada gobolka Mt Kenya in ay ka fogaadaan kooxda la mamnuucay ee mungiki oo uu sheegay in ay dib isku soo abaabulayaan hogaamiyaashooda.
Isagoo ka hadlayay markii uu 8,000 oo dhalinyaro ah ku marti galiyay dabaaldega Kirismaska gurigiisa iriri ee Mathira, Gachagua wuxuu sheegay in dowladdu aysan u ogolaan doonin kooxdu inay dib u soo celiso madaxdooda .
hadalka madaxweyne ku xigeenka dalka aaya imaanayaa iyadoo ay soo baxeen warar sheegayaa in kooxda dalka laga mamnuucay ay doonayaan inay kulan ku yeeshaan ismaamulka nyeri habeenka sanadka cusub.
Si kastaba ha ahaatee saraakiisha amaanka ee ismaamulka Nyeri ayaa meesha ka saaray warkan waxayna sheegeen in kooxdan ay tahay mid aan laga soo dhawaynayn deegaanka Nyeri.
Gachagua ayaa u sheegay dhalinyarada in maamulka Kenya kwanza ay dhowr shaqo u diyaarisay.