Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aynan wax xiriir ah la lahayn ama garab siin urur mucaarad ah oo ka soo horjeedo dowladda jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC oo la sheegay in laga aasaasay gudaha caasimadda dalka ee Nairobi.
Jimcihii ayay ahayd markii mas’uul ka tirsan garabka mucaaradka ee Congo Corneille Nangaa uu shaaciyay inay aasaaseen garab militari oo ay xubno ka yihiin fallaagada M23 .
Mas’uulkan oo horay u soo hoggaamiyay guddiga doorashooyinka ee DRC ayaa bayaan ku soo bandhigay ururka oo loogu magacdaray Congo River Alliance.
Waxaa uu xusay in ujeeddada laga leeyahay arrinkan ay tahay in dalkaasi la badbaadiyo.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Musalia Mudavadi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dowladda Kenya ay ka go’an tahay inay baaritaano ku sameyso sheegashadan.
Waxaa uu xusay in Kenya ay iska fogeynaysa hadal ama ficil kasta oo wax u dhimaya nabad galyada iyo amniga wadanka Kenya saaxiibka la ah ee DRC.
Mudavadi ayaa cadeeyay in Kenya aynan ka qayb qaadan kulanka looga soo horjeestay dowladda Congo.
Tani ayaa timid ka dib markii ay DRC shalay u yeeratay safiirradii ku matalayay waddamada Kenya iyo Tanzania si wada tashi loo sameeyo.