Afti lagu qabanaya Chad

0
212

Shacabka dalka Chad ayaa ka qayb qaadanaya afti dastuuri ah oo ay codkooda ka dhiibanayaan.
Codeynta ku aaddan dastuurka cusub ayaa la filayaa inay wadanka Chad u horseeddo xallinta kala qaybsanaanta siyaasadeed iyo midda bulsho.
Arrintan oo la filaya inay dib u soo celiso maamulkii rayidka ayaa si wayn loo sugayay tan iyo bishii 4-aad ee sanadkii 2021-kii xilligaasi oo uu militari talada Chad la wareegay.
In ka badan 8 milyan oo codbixiyeyaal ah ayaa halkaasi ka diiwaangashan.