Mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda duullimaadka wadanka ee Kenya Airways ayay dantu ku qasabtay in ay ku soo laabato magaalada Nairobi oo ay ka ambabaxday.
Diyaaraddan ayaa ku wajahnayd caasimadda dalka Rwanda ee Kigali balse waxaan u suurtagelin inay halkaasi ku degto caqabad dhanka cimillada ah awgeed.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaraddan ay labo mar isku dayday inay ku degto gagida caalamiga ee diyaaradaha ee Kigali.
Kenya Airways ayaa diyaaraddan ku sheegtay KQ478 waxayna intaasi ku dartay in diyaaradda dib loogu soo celiyay Nairobi oo ay abaare 09:50 subaxnimo ee saaka ku soo degtay garoonka JKIA iyadoo la tixgelinaya badqabka rakaabka iyo shaqaalaha.
KQ ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay cid waliba oo ay arrintan saameysay ka raalli gelinaysa waxayna rakaabka u xaqiijisay in duullimaad kale lagu wareejinaya.