DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo si wadajir ah ugu warramay warbaahinta

0
230

Madaxweynaha dalka William Ruto oo wareysi siiyay shirkadaha warbaahineed ee wadanka ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan dhaqaalaha , shidaalka, canshuurta iyo sicir bararka nololeed ee jira.
Xilli la waydiiyay sababta keentay inuu kordho qiimaha shidaalka ayaa waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay tahay caqabad heer caalami ah.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in kastoo maamulkiisa uu canshuurta shidaalka oo horay ahayd boqolkiiba 8 ka dhigay boqolkiiba 16 haddana in dhanka kale la yareeyay ilaa afar canshuur oo ay ka mid tahay midda dayactirka waddooyinka

Sidoo kale madaxweyne William Ruto oo la waydiiyay xilliga uu qiimaha shilinka ee dalka noqon doono mid wanaagsan marka loo barbardhigo doollarka Maraykanka ayaa ku jawaabay.

Madaxweynaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyay inuu qaatay go’aamo adag oo ay kenyaanka dhibsanayaan balse ay qaranka dani ugu jirto.
Waxaa uu tilmaamay inuu xafiiska la wareegay xilli ay dunida saameyn ku yeesheen cudurkii COVID-19 sidoo kalena uu jiray welina taagan yahay duullaanka militari ee uu Ruushka ku qaaday Ukraine.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale tusaale u soo qaatay saameyntii abaarta iyo caqabadda isbeddelka ku yimaada cimillada.
Waxaa uu xusay in dhibaatooyinkan ay sababeen inuu qarash badan ku baxo badeecooyinka ay Kenya dibadda ka soo dejisato iyo baahida loo qabo doollarka .
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in soo saaridda galleyda la kordhiyay boqolkiiba 40.
Hoggaamiyaha dalka ayaa kobaca dhaqaalaha wadanka ku sheegay boqolkiiba 5.6.
Waxaa uu mar kale difaacay safarrada uu ku tago dibadda isagoo cadeeyay inuunan u safrin dalxiis .