Martha Karua oo dhaliishay warbixinta guddiga wada hadallada qaran

0
234

Madaxa xisbiga NARC Kenya kana mid ah hoggaamiyaasha sare ee isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja Martha Karua ayaa dhaliishay warbixintii guddiga wada hadallada qaran ee siyaasadeed ee (NADCO) uu soo saaray 25-kii bishii hore.
Warbixintan ayay ku tilmaantay mid khiyaano ah maadaama sida ay hadalka u dhigtay aan lagu xallin tabashooyinka kenyaanka sida qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Waxay hoosta ka xarriiqday inay lagama maarmaan tahay in xal loo helo cadaalad darrada la xiriirta doorashooyinka , madax banaanida xisbiyada siyaasadeed iyo tixgelinta dimuqraadiyadda.