Guddiga waddooyinka dalka ayaa billaabay inuu dabagal dhanka hab-dhismeedka ah ku sameeyo meelaha ay inta badan ka dhacaan shilalka ee marinka Northern Corridor.
Tani ayaa timid ka dib markii ku dhawaad 4,000 oo qof ay sanadkan gudihiisa shilal ugu dhinteen Kenya.
Guddiga ayaa xusay in dabagalka uu sameynaya looga gol-leeyahay in la qaado tallaabooyin lagu yareyn karo dhacdooyinka shilalka.
Injineer Tom Omai, oo ka mid ah agaasimayaasha guddigan ayaa sheegay in tirada sarreysa ee shilalka ka dhacdo wadanka ay tahay mid walaac laga muujiyo sidaasi awgeedna la doonayo in wax laga qabto dhibaatadan.
Omai ayaa xusay in meelaha baaritaannada laga sameynaya ay ka mid yihiin Mombasa ilaa Malaba.