DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo guddoomiyay munaasabad ay ku qalin jabinayaan saraakiisha NYS

0
261

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta guddoomiyay xaflad ka dhacday magaalada Gilgil ee ismaamulka Nakuru oo ay ku qalin jabiyeen saraakiil ku biiraya adeegga qaran ee dhallinyarada ee NYS.
Waxaa halkaasi ku qalin jabiyay dhallinyaro dhan 10,905 oo uu tababar u soo idlaaday.
Waxay isugu jiraan 7,066 wiilal ah iyo 3,839 gabdhood.
Shakhsiyaadkan oo ka soo jeedo dhammaan deegaannada wadanka ayaa la diiwaangeliyay bishii Shanaad ee sanadkan waxayna tababarro qaadanayeen muddo 6 bilood ah.
Madaxweynaha ayaa xafladda qalin jabinta ka sheegay in laga billaabo sanad maaliyadeedka dambe mushaarka ay qaataan saraakiisha NYS muddo saddex sano gudaheeda ah lagu kordhin doono boqolkiiba 40.
Sidoo kale waxaa uu xusay inuu amray in adeegga qaran ee dhallinyarada ee NYS laga dhigo mid qaab casri ah u shaqeeya.

Adeegga qaran ee dhallinyarada ee NYS ayaa lagu soo dhisay xeerka NYS Act ee sanadkii 2018-kii wuxuuna ka shaqeeyaa sidii da’ayarta looga dhisi lahaa dhanka xirfadaha , wanaajinta habdhaqankooda iyo awoodsiintooda si ay uga qayb qaataan horumarka wadanka.