Maxkamadda oo laashay lacagaha laga jaraya shaqaalaha si loogu biiriyo sanduuqa guriyeynta

0
168

Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta sharci darro ku tilmaantay qorshaha dowladda ee dadka shaqeeya looga jaraya boqolkiiba 1.5 ee mushaarkooda si lacagtan loogu biiriyo sanduuqa guriyeynta.
Arrinkan ayaa qayb ka ah xeerka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Act (2023) wuxuuna dhaqan galay bishii Toddobaad ee sanadkan.
Maamulka canshuuraha dalka ee KRA ayaa loo xil saaray inuu uruuriyo boqolkiiba min 1.5 oo ay bil kasta bixinayaan shaqaalaha iyo xarumaha ay ka howlgalaan.
Dowladda ayaa horay u sheegtay in ujeeddada laga leeyahay arrinkan ay tahay in la dhiso guriyo tayeysan oo ay kenyaanka ku degi karaan qiimo ay awoodaan.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa marar badan qorshahan difaacay wuxuuna sheegay inuu qofka u horseedaya in 20 ilaa 30 sano ka dib uu lahaado guri wanaagsan oo u gaar ah.
Garsoorayaasha kala ah David Majanja, Christine Meoli iyo Lawrence Mugambi ayaa sheegay in tani ay xadgudub ku tahay xeerarka ugu muhiimsan ee dastuurka.
Waxay xaakinnada sheegeen in lacagtan oo laga jaro dadka haya shaqooyinka rasmiga ah ay liddi ku tahay mabda’a dastuuriga ee qeexaya in muwaadiniinta aan la kala takoorin.
Garsoore David Majanja ayaa xusay in tani aan loo qiil dayi karin sidaasi awgeedna aynan maangal ahayn in la dhaqangeliyo.
Garsoore Lawrence Mugambi ayaa isna sheegay in xeerka maaliyadda ee sanadkan uu yahay mid lacag la xiriira balse ay qayb ka yihiin waxyaabo intaasi dheer oo sharci darro ah.
Christine Meoli ayaa dhankeeda sheegtay in baarlamaanka uu dadweynaha si ku filan uga qayb geliyay arrinkan.
Garsoore David Majanja ayaa amray in dadka shaqeeya aan wax lacago oo dheeraad ah laga jarin.
22-kii bishii 6-aad ee sanadkan ayay ahayd markii uu baarlamaanka ansixiyay xeerka maaliyadda iyadoo 26-kii bishaasi uu qalinka ku duugay madaxweyne William Ruto.