Maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da ayaa si rasmi ah u xirtay kiisaskii ay wajahayeen madaxweynaha dalka William Ruto iyo wariye hore Joshua Arap.
Waxay loo haystay dembiyo ka dhan ah xuquuqul aadanaha oo wadanka ka dhacay xilligii qalaalaasihii xigay doorashadii guud ee 2007 –dii.
Hasa ahaate maxkamadda ICC-da ayaa bayaankeeda ku xustay in kiisaska ka dhanka ah Walter Barasa iyo Philip Bett ay weli sii soconayaan.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday ku xigeenka dacwad oogaha guud ee ICC-da Nazhat Shameem.
Waxay hoosta ka xarriiqday in go’aanka lagu soo afjaray dacwadahan ay gaartay ka dib markii ay qiimeysay xogihii lala wadaagay.
Waxay intaasi ku dartay inay si gaar ah u tixgelisay xaqiiqooyinka iyo xaaladaha ku xeeran kiisaskaasi tani oo ay micnaheedu tahay in la soo gabagabeeyay wajigii baaritaannada.
Baaritaannadan ayaa maxkamadda ICC-da ay billowday bishii Saddexaad ee sanadkii 2010.