Guddoomiyaha rugta ganacsiga ee dalka laanteeda ismaamulka Garissa Maxamad Salaat Axmad ayaa ganacsatada Garissa ugu baaqay inay cuntooyinka kala duwan ay dadweynaha uga iibiyaan qiimihii hore oo iyagoo ka faa’iidaysanaya saameynta daadadka iyo jidadka xiran aynan ku qaaliyeyn qiimaha.
Shalay ayay ahayd markii barasaabka ismaamulka Garissa Nathiif Jaamac Aadan uu shaaciyay in ganacsatada sare u qaaday qiimaha cuntooyinka lagala laaban doonin shatiyadii ganacsi ee la siiyay , in gacanta lagu dhigaya si dacwad maxkamadeed loogu soo oogo sidoo kalena aan mar dambe loo oggolaan doonin inay ku ganacsadaan gudaha dowlad deegaankaasi.