DHAGEYSO:Raila oo ku hanjabay inay dibadbax dhigayaan haddii la ansixiyo hindise maaliyadeedka

0
321

Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja- One Kenya, Raila Odinga ayaa soo saaray digniin ah inay dib u billaabi doonaan dibadbaxyadii ay hakiyeen haddii baarlamaanka uu meel mariyo hindise maaliyadeedka sanadkan ee Finance Bill, 2023 .
Mr. Odinga ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Bungoma ee galbeedka dalka hoosta ka xarriiqay in hindisahan uu xambaarsan yahay soo jeedinno la xiriira canshuurta oo culeys dheeraad ku ah kenyaanka.
Raila ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ay ku dadaali doonaan inta ay awoodaan in aan la ansixin qorshahan maaliyadeed.
Hoggaamiyaasha ugu sarreeya Azimio ee kala ah Raila Odinga, Martha Karua iyo Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in ansixinta hindise maaliyadeedka aynan dani ugu jirin ganacsatada yaryar

Tani ayaa imaanaysa iyadoo xubnaha baarlamaanka ee ka tirsan isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza ay dhankooda sheegayaan in hindise maaliyadeedka uu meel mari doono.
Guddoomiyaha guddiga baarlamaanka ee miisaaniyadda Ndindi Nyoro ayaa sheegay in warbixinta kama dambeyska ah lagu xusi doono aragtida kala duwan ee ay kenyaanka ka dhiibteen hindisaha.