Guddoomiyaha guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaale ahna xildhibaanka deegaanka Molo, Kimani Kuria ayaa sheegay in hindise maaliyadeedka sanadkan aan lagu ansixin doonin sida lagu soo saaray.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in mudanayaasha ay qodob qodob ugu codeyn doonaan.
Kuria ayaa xusay in xildhibaanka uu xor u yahay inuu codkiisa ku taageero ama kaga soo hor jeesto qodobka markaasi taagan.
Arrintan ayuu ka sheegay ismaamulka Nakuru oo ay xubnaha guddigan ku diyaarinayaan warbixintooda ka dib markii qaybaha kala duwan ee bulshada ay afkaartooda gudbiyeen.
Kuria Kimani ayaa tilmaamay inay suuragal tahay in hindise maaliyaeedka baarlamaanka la hor geeyo maalinka Arbacada maadaama uu guddigu weli isku duba ridaya warbixintiisa.