Kooxda kubadda cagta ee Manchester City ayaa ku guuleysatay koobkeedii ugu horreeyey ee koobka faca ee weyn ee naadiyada Yurub ee Champions League ah.
Waxaa ay sameysay taariikh weyn oo ay ku noqdeen kooxdii labaad ee abid isku darsata koobabka Premier League, FA Cup iyo Champions League, iyaga oo barbarreeyey rikoorkii Manchester United ee sanadkii 1999-kii, xilligaasi oo ay saddexley koob qaadday.
Xiddiga reer Spain ee Rodri ayaa dhaliyay goolka kaliya ee Manchester City ka caawiyay inay kaga takhalusto naadiga Inter Milan oo bandhig heersare ah samaysay, hasa ahaate iska khasaarisay fursadihii ay heshay.
Ciyaarta oo qaybteeda hore ay fursaduhu aad u yaraayeen islamarkaana uu goolhaye Andre Onana kubbad halis ahayd ka joojiyay Erling Haaland, ayaa waxa uu dhaawac soo gaaray Kevin De Bruyne oo garoonka ka baxay daqiiqaddii 36-aad.
Inter Milan wax halis ah ma aynan sameynin qaybtii hore ee cayaarta, inkastoo ay kubadda la qaybsadeen oo ay diideen in Man City ay siday doonto u maamulato ciyaarta, islamarkaana xakameeyeen Erling Haaland.
Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayuu doqonimo sameeyey weeraryahanka reer Argentina ee Lautaro Martinez oo kubbad uu qalday Bernardo Silva ula tegay goolhaye Ederson, waxaana halkii uu uga dhiibi lahaa Lukaku oo meel fiican taagnaa uu doorbiday inuu isagu ku laado, waase laga badbaadiyay, isaga oo ku dhuftay goolhayaha Brazil.
Rodri ayaa xerada ganaaxa bannaankeeda ka helay kubbad uu Bernardo Silva ka soo celiyey meel laynka bannaanka u dhow oo xerada ganaaxa dhexdiisa ah, waxaana uu ku liishaamay darbad xooggan oo uu ku hubsaday shabaqa iyadoo uunan goolhayaha u dhashay dalka Cameroon ee Onana uunan is dhaqaajin.
Di Marco ayaa birta garaacay markii uu kubbad dhinaca midig laga soo qaaday uu ku qabtay madax, balse Lukaku ayaa mar kale kubadda oo lagu celiyey oo ku sii socota goolka Man City ay ku soo dhacday, iyadoo uu weeraryahanka Belgium shimbir u noqday kooxda ka soo horjeedday.
Lukaku ayaa madax awood badan ku qabtay kubbad dhinaca laga keenay, balse nasiib-darro waxay lugta kaga dhacday goolhaye Ederson oo aan kuba tago-gelin oo garan la’ meel uu u raaco kubadda.
Phil Foden ayaa kubbad ula tegay goolhaye Onana oo laga raacay, balse daqiiqaddii ugu dambeysay ciyaarta ayaa uu goolhaye Ederson la baxsaday kooxdiisa oo uu kubbad halis ahayd ka badbaadiyey Gosens oo beddel ku soo galay.
Cayaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Manchester City oo sidaas ugu guuleysatay Champions League oo ay u tahay markii koowaad ee taariikhdeeda.
Tababaraha naadiga Manchester City Pep Guardiola ayaa ugu dambayn gaaray hammigiisii ugu weynaa ee Manchester City oo ahayd inuu ku soo daro liiska kooxaha waaweyn ee Yurub ee haysta Champions League, iyadoo lix sannadood oo uu joogay uu sidoo kale u qaaday shan horyaal oo Premier League ah.
Waxaa ay Man City barbarraysay rikoorkii Manchester United ee saddexda koob ee sanadkii 1999-kii uu Sir Alex Ferguson sameeyey ee ay hal xilli ciyaareed ku wada guuleysteen Champions League, Premier League iyo FA Cup, taas oo ayna jirin koox kale oo Ingiriis ah oo sameysay.