Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa madaxda ku boorriyay inay dhallinyarada iyagoo la talinaya ay xilli hore u diyaariyaan arrimaha hoggaanka.
Gachagua ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Nyeri, sheegay in da’yarta aynan inta badan helin la talin siyaasadeed.
Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka wadanka ayaa la filayaa inuu guddoomiyo shir dib u heshiisiin ah oo u dhexeya barasaabka dowlad deegaanka Meru Kawira Mwangaza iyo wakiillada golaha hoose ee ismaamulkaasi.
Dhawaan ayay ahayd markii aqalka sare uu dhinac iskaga dhigay xil ka qaadis ay wakiillada ku sameeyeen Kawira oo ay ku eedeyeen maamul xumo.
Mas’uuliyiinta uu ka midka yahay wakiilka deegaanka hoose ee Abogeta West, Dennis Kiogora oo gudbiyay mooshinkii ka dhanka ahaa barasaabka Meru ayaa hoosta ka xarriiqay inay diyaar u yihiin dib u heshiisiinta uu sameynaya hoggaamiyaha labaad ee dalka.
As I finish my trek and as the retreat draws to a close, I am refreshed and ready for the task ahead.
We have asked for God’s intervention, particularly around the challenges around the leadership of @Meru_county, which I will meet later today as we seek a lasting solution. pic.twitter.com/3nkXWhQYPn
— Rigathi Gachagua (@rigathi) January 8, 2023