Barasaab ku xigeenka ismaamulka Kakamega Ayub Savula iyo mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Navakholo ,Emmanuel Wangwe ayaa sheegay inay diyaar u yihiin la shaqeynta dowladda talada haysa.
Waxay soo dhaweeyeen hadal uu dhawaan jeediyay madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio Raila Odinga oo ahaa in barasaabyada ka tirsan ODM ay la shaqeyn karaan dowladda sare oo aynan micnaheedu ahayn inay ku biireen muxaafidka.
Labada siyaasi ayaa carrabka ku adkeeyay inay Kenya Kwanza garab ku siinayaan wixii ay dani ugu jirto dadweynaha ay matalaan.