Madaxa cadaaladda dalka garsoore Martha Koome ayaa berri guddoomin doonto munaasabad lagu dhaarinaya Siddeed qof oo ku biiraya guddiga maareynta dakhliga ee CRA.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa bishii Diseembar ee sanadkii hore soo magacaabay saraakiishan sar sare.
Waxay kala yihiin wakiilkii hore ee haweenka ismaamulka Wajeer Faadumo Geeddi Cali ,Wilfred Koitamet Olekina Nchoshoi, Dr.George Jalango Midiwo ,Hadija Nganyi Juma,Dr. Isabel Nyambura Waiyaki ,Jonas Misto, Vincent Kuko iyo Dr. Chris Kiptoo.
Shakhsiyaadkan ayaa shaqeyn doono muddo 6 sano ah.
Xubnaha ayaa soo jeedin doono talooyin ku saabsan qaabka ay dowladda dhexe iyo ismaamullada si siman ugu qaybsan karaan dakhliga wadanka soo galo.
Sidoo kale waxay ka talo bixin doonaan maareynta lacagaha dowlad deegaannada si waafaqsan dastuurka wadanka.
Warbixinadooda ayay xubnaha guddiga CRA u gudbin doonaan aqalka sare , baarlamaanka , golaha qaran ee fulinta iyo goleyaasha hoose ee ismaamullada.