Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in madaxweynaha Ruushka ,Vladimir Putin uunan daacad ka ahayn baaq uu diray oo ku aaddan soo afjaridda dagaalka Ukraine.
Putin ayaa shalay sheegay in ujeedkoodu uu yahay in colaadda si ay noqotaba looga gudbo iyadoo ay jiraan wada xaajoodyo dibloomaasiyadeed.
Hasa ahaate afhayeenka golaha amniga qaran ee Maraykanka John Kirby ayaa madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ku eedeyay inuunan muujin wax rabitaan ah ama daneyn ah oo ku aaddan wada xaajood lagu soo afjaraya duullaanka militari ee ay dowladdiisa ka wado gudaha Ukraine muddo 10 bilood ah.