Booliiska oo shacabka uga digay shaqaaleysiin been abuur ah

0
387

Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa dadweynaha uga digay in lagu khiyaano xayeysiin lagu faafinaya baraha bulshada oo muujinaysa in la howlgelinaya saraakiil amni.
Waaxda ayaa sheegtay in xayaysiintan ay tahay mid faalis ah.
Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome ayaa cadeeyay inaysan jirin wax shaqaaleysiin ah oo ay hadda sameynayaan.
Waxaa uu xusay in adeegga qaran ee NPS uunan cidna ku wargelin inay soo dirsato codsi ay uga mid noqonaysa ciidamada ammaanka oo marka tani la sameynaya lagu soo xayeysiin doono wargeysyada rasmiga ee maalinlaha ah.
Koome ayaa cid kasta oo arrintan ku lug leh u sheegay in laga qaadi doono tallaabo sharciyeed oo adag.