Natiijada KCPE oo la filayo in maanta la shaaciyo

0
231

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka , Ezekiel Machogu ayaa la filayaa inuu madaxweynaha dalka William Ruto u gudbiyo warbixin ku saabsan imtixaanaadka fasalka Siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da ka hor inta uunan natiijada ka soo baxday si rasmi ah u shaacin.
Natiijada ayaa lagu soo bandhigi doonaa xarunta dhexe ee golaha imtixaannada qaran ee (KNEC) ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa sanadkan imtixaanka KCPE-da u fadhiistay arday dhan 1,244, 188 halka ardayda sameeyay imtixaanka fasalka 6-aad ee dugsiyada hoose dhexe ay ahaayeen 1.2 milyan.
Imtixaannada KCPE iyo KPSEA ayaa la sameeyay 28-kii ilaa 30-kii bishii hore ee 11-aad ee sanadkan.
Tirada guud ee ardayda imtixaannadan u fadhiistay ayaa ahayd 2.5 milyan.
Wasaaradda tacliinta ee dalka ayaa ka dib marka ay maanta shaaciso natiijada KCPE-da waxay caddeyn doontaa mustaqbalka ardayda fasalka 6-aad ee dugsiyada hoose dhexe ee Grade 6.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxweynaha dalka William Ruto oo warbixin ka guddoomay guddi uu u xil saaray arrimaha manhajka CBC uu amray in imtixaankii KPSEA ee ay ardaydan sameeyeen aan loo adeegsan doonin inay ugu biiraan fasallada hoose ee dugsiyada sare sida la rajeynayay.
Ruto ayaa xusay in natiijada imtixaanka ay noqon doonto mid lagu qiimeeyo horumarka dhanka waxbarashada ee ardayda si loo ogaado dhinacyada la xiriira nidaamka CBC ee u baahan in wax laga qabto.
1-dii bishan Diseembar ayay ahayd markii bayaan uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada dalka Xuseen Maxamad lagu sheegay in wasaaradda waxbarashada ay faahfaahin dhameystiran oo arrinkan ku aaddan ay soo bandhigi doonto.