Waxaa maalmahan warbaahinta iyo baraha bulshada dhex socday cod la sheegey inuu yahay mid ka mid ah shaqaalaha baarlamaanka dalka Soomaaliya, darawalna u ahaa guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamad Mursal Sheekh cabdiraxmaan oo la sheegay inuu ku biiray kooxda Al-Shabaab.
Ninkan oo lagu magacaabo Xuseen Maxamad Xasan ayaa Al-Shabaab ay soo bandhigeen cod ay ka duubeen, waxaana jiritaanka Ninkaasi xaqiijiyay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamad Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo uu darawal u ahaa.
Waxaa uu sheegay xildhibaan Mursal in ninkan uu ahaa sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, loona tababaray darawalnimo, balse uu aaminsan yahay in jaceyl uu u qabo fikirkooda uusan ugu biirin Al-Shabaab islamarkaana ay qasbeen.
Mr.Mursal oo gudaha dalka Soomaaliya ka maqan xilligan, ayaa sheegay in isaga iyo darawalkaasi ay isugu dambeysay muddo hadda laga joogo ku dhawaad shan bil.
Hay’adaha Amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa weli ka hadlin, islamarkaana wax faafaahin ah kama aysan bixin arrinkan.