Aqalka sare oo yeelanaya kal-fadhi ka dhan ah barasaabka Meru

0
335

Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka, Amason Kingi ayaa isugu yeeray senatarrada si ay maalinka Talaadada ee 20-ka bishan ay u yeeshaan kal-fadhi gaar ah.
Kulanka ayaa ku saabsan xil ka qaadis ay dhawaan wakiillada golaha hoose ee Meru ku sameeyeen barasaabka dowlad deegaankaasi Kawira Mwangaza.
14-kii bishan ayay ahayd markii 67 ka mid ah wakiillada ay ansixiyeen in guddoomiyaha oo lagu eedeyay maamul xumo ay xafiiska banneyso.
Kingi, oo soo saaraya qoraal ku taariikhaysan 16-kii bishan ayaa sheegay inuu kal-fadhi ku baaqay ka dib codsi uga yimid hogaamiyaha aqlabiyadda aqalka senate-ka Aaron Cheruiyot iyo guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Meru ,Ayub Bundi.
Amason Kingi ayaa xusay in kal-fadhiga gaarka ah lagu qaban doono xarunta aqalka sare abaare 2:30 galabnimo ee Talaadada.
Waxaa xilligaasi la dhageysan doonaa eedeymaha loo soo jeediyay Kawira Mwangaza .
Mooshinka xilka looga xayuubiyay waxaa 22-kii bishii hore golaha hor geeyay wakiilka deegaanka hoose ee Abogeta West Dennis Kiogora.
Mustaqbalka hoggaamineed ee Kawira Mwangaza ayaa waxaa go’aamin doono aqalka sare oo ay u furan tahay inuu ayido xil ka qaadisteeda ama uu waxba kama jiraan ka soo qaado.
Aqalka sare waxaa u bannaan inuu dhageysiga eedeymaha ka dhanka ah barasaabka u saaro guddi ka kooban 11 xubnood ama in xubnaha senate-ka oo dhan ay eegaan.
Haddii guddi loo saaro, xubnaha ayaa haysta 10 cisho oo ay aqalka sare warbixin ugu gudbinayaan iyadoo barasaabka fursad loo siinaya inay is difaacdo.