Waxaa uu qorshuhu yahay in Talaadada soo socoto uu madaxweynaha dalka William Ruto si rasmi ah u daahfuro olole geedo lagu abuuraya.
Wasaaradaha deegaanka iyo tamarta ayaa arrinkan ku xaqiijiyay bayaan ay si wadajir ah u soo saareen.
Tani ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladda dhexe kula tacaalaysa saameynta isbeddelka cimillada.
Ololaha dhir beeridda ayaa lagu shaacin doonaa xaflad ka dhacaysa keynta Ngong Hills Forest.
Dowladda dalka ayaa ku dadaalaysa sidii ugu dambeyn sanadka 2032-ka baaxadda keymaha wadanka ay u noqon lahayd ugu yaraan boqolkiiba 30.
Bishii Tobnaad ee sanadkan ayay ahayd markii hoggaamiyaha wadanka William Ruto uu shaaciyay qorsho lagu abuuraya 5 bilyan oo geedo dheeraad ah.
Waxaa uu qof kasta oo kenyaan ah oo ay xita carruurta ka mid yihiin ugu baaqay inuu abuuro 100 geed.
Join us on Wednesday 21st December, 2022 from 9am for the launch of the Forestry & Land Restoration Acceleration Programme at Ngong Hills Forest, Kajiado County. President William Ruto, CGH will officiate the function @StateHouseKenya #TreesForBetterLives #Towards15BillionTrees pic.twitter.com/ig3Jm8lvIM
— Ministry of Environment and Forestry Kenya (@Environment_Ke) December 18, 2022