Madaxweynaha Kenya oo lagu abaal mariyay Maraykanka

0
475

Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in madaxweyne William Ruto abaal marin lagu gudoonsiiyay magaalada Washington ee Maraykanka.
Ruto ayaa waxaa billad dahab ah siiyay akadeemiyada waxqabadka ee American Academy of Achievement.
Waxaa billaddan horay loo siiyay madaxweyneyaashii hore ee Maraykanka ee kala ah Barack Obama , Bill Clinton, George W. Bush, madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela , baadarigii ka soo horjeeday takoorkii midibka ku saleysnaa ee wadankaasi Desmond Tutu iyo mas’uuliyiin kale.
William Ruto, madaxweynaha dalka ayaa akadeemiyada uga mahadceliyay inay aqoonsatay waxqabadkiisa hoggaamineed.