Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Ezekiel Machogu ayaa sheegay in barnaamijka cunnada ee dugsiyada lagu bartilmaameedsanaya 2.5 milyan oo ah ardayda deegaannada oomanaha.
Waxaa sidoo kale qorshahan ka faa’iidaysanaya ardayda wax ka barta dugsiyada ku yaalla xaafadaha isku raranta ah ee 10 ismaamul.
Machogu ayaa arrintan shaaciyay xilli uu xafiiskiisa ku qaabilay agaasimaha hay’adda WFP ee dalka Lauren Landis.
Waxaa uu sheegay in ujeeddada laga leeyahay tallaabadan ay tahay in ardayda aynan dugsiyada uga bixi jaago awgeed.
Waxaa uu u mahadceliyay WFP iyo saaxiibbada kale ee Kenya ee dhanka horumarka.
Ms. Landis ayaa dhankiisa sheegtay in hay’adda ay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso Kenya.