DHAGEYSO:Dadka qabo baahiyaha gaarka ah ee Garissa oo aqoonsi la siinaya

0
292

Waxaa ismaamulka Garissa ka socdo barnaamij dadka baahiyaha gaarka ah qabo lagu siinaya kaar aqoonsi ah.
Dubat Cali Camey oo ka mid ah waxgaradka dowlad deegaankaasi ayaa ku baaqay in diiwaangelintan laga faa’iidaysto.

16-ka bishan oo Jimcada ku beegan ayay guddiga tagi doonaan xaafadda Chief Camp ee magaalada Garissa waxaana dadka ka faa’iidaysanaya looga baahan yahay inay la tagaan nuqulka aqoonsigooda qaran halka carruurta aan weli qaangaarin laga doonaya warqadda dhalashada.