Maxkamadda Ciidamada ee dalka Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday, sarkaal horay uga tirsanaa milateriga oo lagu helay dambi ah inuu maleegay weerar horraantii sanadkan lagu qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.
Sarkaalkan oo la yiraahdo Maxamad Cabdulle Nuur Abkoow ayaa ciidanka Soomaaliya ku biiray xiligii dowladdii Cabdullaahi Yuusuf, inkastoo markii dambe laga saaray 2018-kii.
Maxkamadda ayaa sheegtay in uu sarkaalkan gaarigiisa ku geeyay gudaha garoonka Aadan Cabdulle labadii nin ee ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerarray garoonka diyaaradaha 23-kii bishii Saddexaad ee sanadkan, waxaana weerarkaas ku dhintay askari ka tirsanaa ciidanka gaarka ah ee booliiska Soomaaliya ee loo yaqaano Haramcad.
Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in Maxamad uu ka dambeeyay qarax la geeyay xarunta ciidamada ee Villa Baydhabo ee magaalada Muqdisho.
Maxkamadda ayaa ugu dambeyn Maanta Go’aan ka soo saartay Maxamad Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) waxa ayna ku xukuntay dil toogasha ah oo ah Qosaasta Marxuun Cabdirisaaq Aabi Cali, sida uu Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
Home Wararka Soomaaliya Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah ku ridday sarkaal loo haysto weerarkii...