Codbixiyeyaasha dalka Fiji ayaa maalinka Arbacada ee toddobaadkan ka qayb qaadan doono doorasho guud.
Waxaa uu tartanka ugu adag u dhexeya ra’iisul wasaare Frank Bainimarama oo hoggaanka xukuumadda sanadkii 2006-dii kula wareegay qaab afgembi ah iyo Sitiveni Rabuka oo ay muddo dheer iska soo horjeedeen.
Rabuka oo taliye militari soo noqday ayaa labo mar hoggaamiyay afgembi talada dalkaasi lagula wareegay.
Bainimarama oo 68 sano jir ah ayaa ku ololeynayay wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimillada .
Markii saddexaad ayuu doonaya in la doorto waxayna khuburrada falanqeeya siyaasadda tilmaamayaan in sanadkan xisbigiisaFijiFirst uu wajahaya tartankii doorasho ee ugu adkaa.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo shacabka dalka Fiji ay walaac xooggan ka muujinayaan sicir bararka nololeed ee jira.
Fiji waxaa si wayn u saameeyay cudurka COVID-19 .