Guddoomiyaha ismaamulka Siaya James Orengo oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga mucaaradka ee ODM ayaa sheegay inuu la shaqeyn doono maamulka Kenya Kwanza ee uu hoggaamiyo madaxweyne William Ruto.
Orengo ayaa carrabka ku adkeeyay in ismaamullada iyo dowladda dhexe ay qasab ku tahay inay si buuxda iskaga kaashadaan horumarinta dalka.
Barasaabka ayaa xusay in sababtii loo billaabay nidaamka dowlad wadaajinta ay ahayd in kenyaanka ku nool deegaannada hoose laga qayb geliyo arrimaha horumarka oo ay dowladda sare gacanta ku haysay tan iyo markii 59 sano ka hor ay Kenya qaadatay madax bannaanida.