Booliiska Zambia oo helay meydadka 27 qof oo u dhashay dalka Itoobiya

0
248

Ciidamada booliiska ee dalka Zambia ayaa helay meydadka 27 qof oo looga shakisan yahay inay ahaayeen tahriibayaal u dhashay wadanka Itoobiya.
Meydadkan ayaa laga helay magaalo ku taalla waqooyiga caasimada dalkaasi ee Lusaka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadkan ay gaajo iyo haraad u geeriyoodeen.
Bayaan ay soo saareen booliika dalka Zambia ayaa lagu sheegay in meydadka dhammaantood ay ahaayeen rag, islamarkaana ay da’dooda u dhexeyso 20 ilaa 38 sano jir.
Saraakiisha booliiska ayaa guda galay baaritaano lagu raadinayo xaqiiqada ka dambeysa dhimashada dadkan.