DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo baaq u diray xildhibaannada

0
304

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa mudanayaasha baarlamaanka ku boorriyay in iyagoo u daneynaya arrimaha waxbarashada ay badbaadiyaan sanduuqa horumarinta deegaannada ee CDF.
Waxaa uu xusay inuu toddobaadkii hore golaha qaran ee xeer dejinta iyo aqalka sare uu u gudbiyay soo jeedin ku aaddan sharciyeynta barnaamijkan ka dib markii maxkamadda dalka ay meesha ka saartay.
Waxaa uu sheegay in sanduuqa CDF uu dardargeliyay dhisidda dugsiyo badan.
Sidoo kale tobannaan kun oo arday ah ayaa ka helay taageero dhaqaale oo ay ku maareeyeen qarashaadka tacliinta.