Wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta ee dalka Masar ayaa sheegtay in sanadkan gudihiisa wadankaasi laga dhisay 1,200 oo masaajid ah.
Tani iyo bishii Sagaalaad ee sanadkii 2020 waxaa Masar laga hirgeliyay 2,712 oo masaajid cusub ah.
404 oo dheeraad ah ayaa dayactir lagu sameeyay.
Tani iyo bishii 6-aad ee sanadkii 2014-kii oo uu hoggaanka Masar qabtay madaxweyne Cabdel Fataax El-Sisi waxaa wadankaasi laga dhisay masaajiid gaaraya 9,600 tani oo ay ku baxday lacag dhan 10.2 billyan una dhiganta 400 milyan oo doolar.