Madaxweynaha Peru oo la dhaariyay

0
220

Waxaa xilka madaxweynaha ee dalka Peru loo dhaariyay Dina Boluarte.
Tani ayaa timid ka dib markii hoggaamiyihii wadankaasi Pedro Castillo xilka qaadis lagu sameeyay.
Sidoo kale Castillo ayaa loo xiray inuu isku dayay inuu si sharci darro ah albaabada isugu dhufto golaha Congaress-ka ee dalkaasi.
Galinkii dambe ee shalay ayay ahayd markii golaha xeer dejinta Peru oo uu mucaaradka aqlabiyad ku leeyahay uu u codeeyay inuu xafiiska banneeyo madaxweyne Castillo.
Tallaabadan ayaa ku soo beegan tahay hal maalin un ka dib markii uu shaaciyay qorsho uu si ku meel gaar ah ugu xiraya oo uu ku kala diraya baarlamaanka isagoo adeegsanaya dikreeto madaxweyne.