Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa kenyaanka iska diiwaangeliyay sanduuqa Hustler Fund ka codsaday inay dib u bixiyaan lacagaha ay deynsadeen.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay barnaamijkan ka dhigi doonto mid guulaysta.
William Ruto ayaa sheegay in ilaa iyo hadda nidaamkan ay iska diiwaangeliyeen ku dhawaad 13 milyan oo qof.