Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr.Belio Kipsang ayaa sheegay inuu jiro qorsho meesha looga saari doono dugsiyada hoose dhexe ee leh qaybta jiifka.
Waxaa uu xusay in qorshahan uu meel wanaagsan maraya oo lagu dhaqaadi doono horraanta sanadka 2023-ka.
Haddii soo jeedintan la dhaqan geliyo ugu yaraan boqolkiiba 28 ee ardayda oo wax ka barta dugsiyada aan laga hooyan ayaa ku biiri doono dugsiyada aan lahayn qaybaha jiifka.
Dr. Kipsang ayaa ismaamulka Mombasa ka sheegay in tani ay qayb ka tahay isbeddellada lagula jaanqaadaya manhajka cusub ee CBC.