Garsoorayaal ku biiraya maxkamadda sare oo la dhaariyay

0
366

Waxaa maanta xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi lagu dhaariyay 20 garsoorayaal ah oo turxaan bixin ka dib uu madaxweynaha dalka William Ruto u magacabay inay ka howlgalaan maxkamadda sare.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa goobjoog u ahaa xafladda dhaarinta oo uu guddoominayay madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada Felix Koskei.
Madaxweynaha ayaa ugu horreyn u hambalyeeyay xaakinnada la dhaariyay isagoo tilmaamay inay sharaf u tahay in loo soo xushay u adeegidda qaranka.
Waxaa uu garsoorayaasha ka codsaday inay ka dhabeeyaan dhaarta ay mareen ee ah inay ku shaqeyn doonaan qaab ka maran qabiil, qof jecleysi, eexasho iyo faragelin oo ay si madax bannaan u gudan doonaan waajibaadkooda shaqo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xaakinnada xusuusiyay inay u hoggaansamaan oo ay difaacaan dastuurka dalka.
Waxaa uu u sheegay inay ka shaqeeyaan ilaalinta sharafta waaxda garsoorka oo go’aamada ay ka qaadanayaan kiisaska kala duwan ay ku saleyaan caddaalad.
Garsoorayaasha ayaa kala ah Gichohi Patricia, Josephine Mongare, Patricia Nyaundi, Diana Kavedza, Sophie Chirchir Mwaisha Said,Heston Nyaga, John Chigiti, Peter Mulwa, Lawrence Mugambi, Gregory Mutai, Robert Wananda, Samwel Mukira, Francis Ochieng, Fred Mugambi , Dennis Magare,Florence Macharia, Teresa Achieng iyo Aleem Visram.
14-kii bishii Saddexaad ee sanadkan ayay ahayd markii guddiga adeegga garsoorka ee JSC uu soo xayeysiiyay xilalka ay garsoorayaashan buuxinayaan.