Maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska ee IPOA ayaa wado baaritaano la xiriira toogasho loo gaystay arday dhiganayay jaamacad ku taalla ismaamulka Machakos.
Waxaa arrintan xaqiijisay guddoomiyaha IPOA Anne Makori .
Sarkaal ka tirsan ciidanka booliiska ayaa lagu eedeyay inuu dhibaatadan gaystay taasoo dhaawac culus uu ka soo gaaray ardayga.
Toogashada ayaa dhacday 5-tii bishan ka dib dibadbax ay sameeyeen ardayda Jaamacadda Machakos.
Waxaa ay xilligaasi ka cabanayeen falal amni darro oo aaggaasi ku soo kordhay.
IPOA launches probe into the shooting incident of a university student in Machakos County. ^FN pic.twitter.com/IPC3E3rxn6
— IPOA (@IPOA_KE) December 6, 2022