Guddoomiye ku xigeenka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC, Juliana Cherera ayaa lagu soo warramayaa inay jagadan iska casishay.
Is casilaadeeda ayaa ku soo aadeyso ka dib markii maalmo ka hor uu madaxweynaha dalka afar ka mid ah saraakiisha sar sare ee IEBC oo ay ayada ku jirto si ku meel gaar ah shaqada uga joojiyay.
Warqad ay u dirtay madaxweynaha dalka, ayay Mrs. Cherera ku sheegtay inay shaqada ka tagtay sababo la xariira in shaqadeeda lagu carqaladeeyay.
Waxaa ay noqoneysa shakhsigii labaad ee iska casila guddiga sare ee IEBC
Horay waxaa tallaabo sidaan la mid ah sameeyay Justus Nyang’aya oo ka mid ahaa afarta sarkaal ee sare ee IEBC.
Guddoomiye ku xigeenka IEBC, Juliana Cherera iyo saddex sarkaal oo kale ayaa lagu eedeyay inay dayaceen mas’uuliyadooda shaqo ka dib markii ay bishii Siddeedaad ka soo horjeesteen natiijadii ka soo baxday doorashadii madaxtinnimo saacado ka hor inta uunan ku dhawaaqin guddoomiyaha guddiga Wafula Chebukati.