Golaha qaran ee ay ku mideysan yihiin hay’adaha aan dowliga ahayn ee loo yaqaano (NGOs) ee dalka ayaa ka codsaday hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga iyo hoggaamiyayaasha kale ee mucaaradka, in ay dib u eegis ku sameeyaan qorshahoodi ahaa in 7-da iyo 12-ka bishan ay qabtaan isku soo bax dadweyne.
Guddoomiyaha golaha qaran ee NGOs-yada Stephen Cheboi ayaa ku baaqay in la dejiyo xiisadda, maadaama Kenyaanka ay billooyin ka hor ka soo gudbeen doorasho guud.
Golaha NGOs-yada ayaa waxay Raila ku boorriyeen inuu mudnaanta siiyo danta guud, maadaama inta badan Kenyaanka ay rabaan xasillooni xilligan la joogo, xilli la aadayo fasaxa ciidda Christmas iyo sanadka cusub.
Tani ayaa ku soo aadeyso iyadoo uu Mr.Odinga sheegay inuunan isbeddel ku imaan qorshahoodii ahaa in Arbacada soo socoto ee 7-da bishan Diseembar ay isku soo bax dadweyne ku qabtaan fagaaraha Kamukunji ee ismaamulka Nairobi.
Guddoomiyaha golaha qaran ee NGOs-yada ayaa dhanka kale u hambalyeeyay dhammaan xoghayeyaasha dhawaan la dhaariyay.
Waxaa uu ugu baaqay inay si daacad ah ugu adeegaan Kenyaanka.