Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah ayaa saraakiisha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ugu baaqay inay is casilaan.
Waxaa uu soo dhaweeyay tallaabadii ay qaadeen guddoomiye ku xigeenka IEBC Juliana Cherera iyo Justus Nyang’aya oo ka mid ahaa afar sarkaal oo la eedeeyey.
Labada kale ee si ku meel gaar ah shaqada looga istaajiyay ee baaritaannada wajahaya balse aan weli is casilin ayaa kala ah, Irene Masit iyo Francis Wanderi.
Mr. Kimani Ichung’wah ayaa hoosta ka xarriiqay in baarlamaanka dalka gaar ahaan guddiga u qaabilsan arrimaha cadaaladda iyo dastuurka ee JLAC uu qabsaday waajibaadkiisa shaqo.
Waxaa uu intaasi ku daray in howlwadeennadan ay khatar geliyeen dalka ka dib markii bishii Siddeedaad ee sanadkan ay ku gacan seyreen natiijadii madaxtixinnimo.