Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in hanjabaadaha mucaaradka aynan carqaladeyn doonin qorshaha horumarineed ee dowladda dhexe.
Waxaa uu sheegay in maamulka Kenya Kwanza uu diiradda saaraya dib u soo nooleynta dhaqaalaha wadanka.
Waxaa uu dhammaan kenyaanka u xaqiijiyay in dowladda ay ilaalin doonto noloshooda iyo hantidooda haddii siyaasiyiinta mucaaradka ee Azimio ay mudaaharaad sameeyaan.
William Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Embu carrabka ku adkeeyay in marnaba aan loo joojin doonin hanjabaadaha mucaaradka oo horay loo sii tallaabsan doono.