DHAGEYSO:Raila Odinga oo doonaya in dowladda dhexe ay joojiso qorshaha ay ku dooneyso inay kordhiso qiimaha canshuurta

0
204

Hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa ka codsaday madaxweynaha dalka William Ruto inuu fuliyo ballamihii uu u sameeyay shacabka kenyaanka isagoo aan cudur daar ka bixin.
Mr. Odinga ayaa si weyn uga soo horjeestay qorshaha dowladda dhexe ay ku kordhinayso canshuurta laga qaado badeecadaha muhiimka ah.
Waxaa uu xusay in tani ay culeys badan ku tahay shacabka kenyaanka
Hoggaamiyaha xisbiga ODM ayaa dowladda ugu baaqay inay yaareyso qiimaha maciishadda

Raila ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu shalay ku sugnaa ismaamulka Kilifi.