Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan ,Shehbaz Sharif ayaa iska fogeeyay eedeymo loo jeediyay inuu ku lug lahaa toogasho dhawaan loo gaystay ra’iisul wasaarihii hore ee wadankaasi Imran Khan.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxday in la isku dayay in la khaarijiyo khan.
Dhanka kale taageerayaasha Imran Khan oo ah madaxa xisbiga PTI ayaa weli dhigaya dibadbaxyo ay ku dalbanayaan in la baaro toogashadii lagu dhaawacay maalmo ka hor.
Imran Khan ayaa falkii loo gaystay Khamiistii ku eedeyay mas’uulka hadda hoggaamiyo xukuumadda Pakistan , wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi Rana Sanaullah iyo taliye sare oo militari .
Hasa ahaate Shehbaz Sharif ayaa sheegay in ra’iisul wasaarihii hore uu hagardaamooyin been abuur oo sida uu hadalka u dhigay aan micno wayn lahayn uu ku dhaawacaya sumcadda Pakistan.