Maamulka shirkadda duullimaadyada wadanka ee Kenya Airways ayaa duuliyeyaasha shaqo joojinta ku guda jiro u qabtay muddo kama dambeys ah.
Tom Shivo oo ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadda KQ ayaa bayaan ku sheegay in duuliyeyaasha looga baahan yahay inay sida ugu dhakhsiyaha badan u soo shaqo galaan.
Shivo ayaa tilmaamay in duuliyihii aan amarkan u hoggaansamin laga qaadi doono tallaabo sharciyeed oo edbin ah oo ay noqon karto in shaqada laga eryo.
Tallaabada shaqo joojinta ah ee ay shalay ku dhaqaaqeen howlwadeennada ayaa waxaa ka dhalatay caqabad ballaaran oo dhanka gaadiidka hawada ah.
Mr. Shivo ayaa intaasi ku daray in shaqo joojinta awgeed la joojiyay ama dib loo dhigay ugu yaraan 53 duullimaad.