Waxaa dhammaan la siidaayay afar qof oo kooxo loogu shakisan yahay ururka Al-Shabaab ay kowdii bishan ka afdubteen waddada u dhexeyso degmooyinka Lafay iyo Ceelwaaq ee ismaamulka Mandera.
Saddex ka mid ah afarta qof ayaa la siidayay maalinkii Arbacada halka darawalkii ku kaxaynayay baabuurkii gurmadka degdeg ah ee Ambalaasta ah ee la qafaashay ugu dambeyn shalay xuriyaddiisa dib u helay.
Dhammaan dadkan ayaa laga helay deegaano kala duwan oo ka tirsan deegaanka Ceelcade ee gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in weli gacan lagu hayn gaarikii ay saarnaayeen dadkii la afduubtay sida lagu sheegay warbixin uu booliska soo saaray.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Mandera Onesmus kyatha ayaa xaqiijiyay siidaynta afarta qof, waxaana magacyadooda uu ku kala sheegay Xasan Shacbaan oo ahaa darawalkii baabuurka, Mowliid Cabdi (bukaanka), Aadan Dhaay oo qaraabo la ahaa qofka bukaanka iyo Cabdirashiid Billow Xuseen oo ah sarkaal caafimaad oo ka howlgala isbitaalka deegaan baarlamaanka Lafey ee ismaamulka Mandera .
Si kastaba ha ahaate dowlad deegaanka Mandera oo xuduud la ah dalka Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weerarro ay fuliyaan ururka Al-Shabaab kuwaas oo marar qaar khaasaro ay ka soo gaarto dadka rayidka iyo laamaha ammaanka .