Dowladda Kenya ayaa dhigeeda dalka Soomaaliya gaarsiisay diyaarad siday gargaar degdeg oo looga jawaabaya qaraxyadii khasaaraha badan dhaliyay ee ay Al-Shabaab ka gaysteen aagga Soobe ee caasimadda Muqdisho.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa deeqda kala wareegay dowladda Kenya.
Kenya ayaa ka mid noqotay dowladaha ka qayb qaadanaya gurmadka musiibadii ka dhalatay qaraxyadii kooxda Al-Shabaab ka gaysteen isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho 29-kii bishii hore iyagoona keenay diyaarad siday cuntooyin nafaqo ah oo isugu jiraan noocya kala duwan.
Ciidamada difaaca ee Kenya ayaa sheegay inay xanuunka la dareemayaan walaalahooda Soomaaliya, iyagoona u mahadceliyay amarka uu bixiyay madaxweynaha dalka William Ruto ee lagu caawinayo wadanka dariska ah.
Dhanka kale safiirka Kenya u fadhiya dalka Soomaaliya Amb. Thomas Chepkuto oo shixnaddan ka guddoomay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in argagixisada aysan wax xuduud ah lahayn, islamarkaana iskaashi ay muhiim u tahay si loola dagaalamo.
Kenya ayaa si cad u sheegtay inay sii wadi doonto taageerida ay Soomaaliya kaga caawineyso la dagaalanka Al-Shabaab.
Dhankeeda dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Kenya iyo shacabkeeda taageerida bini’aadanimada ah ay la garab istaageen.
Madaxweynaha wadanka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isku soo dhawaanshaha labada dal ay muhiimad wayn u tahay nabadda gobolka.
Home Wararka Kenya Dowladda Kenya oo gargaar caawimaad ah ku wareejisay Soomaaliya ka dib qaraxyadii...