Isbeheysiga midigta fog ee uu hoggaaminaya ra’iisul wasaarihii hore ee Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku guulaystay doorasho dhawaan halkaasi ka qabsoontay.
Tani ayaa timid ka dib markii garabkan siyaasadeed uu helay aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka Israa’iil oo ah 120.
Natiijada kama dambeyska ee la shaaciyay ayaa muujinaysa in Netanyahu iyo xulafadiisa ay soo hooyeen 64 ka mid ah kuraasta baarlamaanka.
32 ka mid ah kuraastan waxaa ku guulaystay xisbiga ra’iisul wasaaraha ee Likud.
Benjamin Netanyahu ayaa ballanqaaday inuu soo dhisaya xukuumad qaran oo ah mid adag.
Siyaasiyiinta ka soo horjeeday oo uu hor kacayay ra’iisul wasaare Yair Lapid ayaa helay 51 kursi halka inta kale uu ku guulaystay xisbiga Carbeed ee xulafada la ah.
Lapid ayaa u hambalyeeyay Netanyahu wuxuuna shaqaalihiisa ku amray inay u diyaar garoobaan xil wareejin.