Doorasho ka dhacaysa Denmark

0
248

Waxay doorasho ka socotaa goobaha kala duwan ee codbixinta ee dalka Denmark.
Codeyntan qaran ayaa la filayaa inay wax ka beddesho siyaasadda wadankaasi.
Xisbiyo cusub ayaa doonaya inay matalaad ku yeeshaan baarlamaanka halka saameynta kuwa qaarna ay yaraatay.
Wararka ayaa sheegaya inay u badan tahay in xisbiga bidixda dhexe iyo kan midigta dhexe aynan ku guulaysan aqlabiyadda baarlamaanka oo ah 90 kursi maadaama uu ka kooban yahay 179.
In ka badan 4 milyan oo codbixiyeyaal ah ayaa kala dooran karo 14 xisbi.
Ololaha siyaasadeed ee ka horreeyay doorashada guud ee maanta ka dhacaysa Denmark ayaa waxaa uu ku saleysnaa ballanqaadyo ku aaddan yareynta canshuuraha iyo shaqaaleysiinta kalkaaliyeyaal dheeraad ah iyadoo uu caalamku sicir barar ka jiro.
Ugu yaraan saddex siyaasi ayaa doonaya inay qabtaan xilka ra’iisul wasaaraha Denmark waxaana ka mid ah Mette Frederiksen oo hadda xukuumadda hoggaamiso.